Soo dhawow!

Macluumaad guud

Waxaan furnahay Isniinta ilaa Jimcaha, laga bilaabo 8:00 subaxnimo ilaa 15:00 galabnimo.

Waxaan xubnahayaga u fidinnaa cuntooyin qiimo macquul ah, casharro isboorti, naadiyo bulsho iyo adeegyo kala duwan. Goobahayagu sidoo kale waxay ku habboon yihiin dadka qaba naafonimada.

Kharashka xubinnimadu waa 7 € dadka shaqo la’aanta ah, 12 € ardayda iyo dadka hawlgabka ah, iyo 20 € dadka kale. Lacag-bixintu waa lacag caddaan ah.

Qado

Waxaan bixinnaa qado macaan oo guriga lagu diyaariyey Isniinta ilaa Jimcaha, 11:00 subaxnimo ilaa 13:00 duhurnimo.

Qadadu waxay ka koobnaan kartaa noocyo kala duwan oo hilib ah, oo ay ku jirto hilib doofaar. Fadlan jikada weydii haddii aad rabto macluumaad dheeraad ah.

Qado = 5 €
5 kuubanno qado = 24 €
10 kuubanno qado = 48 €

Xiriirka

Waxaan ku yaalliin agagaarka xarunta wax iibsiga ee Varissuo. Shaqaalaheennu waxay ka kala yimaadeen dhaqamo kala duwan, laakiin waxaan dammaanad qaadi karnaa adeeg af-Finnish oo keliya.

Katteluksenkatu 5
Telefoon: 02 – 236 5202
E-mail: info(at)vtry.fi

Gacmahaaga ku dhaq saabuun, ka fogow dadka kale, xir maaskaro marka aad joogto meelaha dadku ku badan yihiin, oo guriga joog marka aad xanuunsan tahay. Mahadsanid!